berami somali

berami

Is dhexgalka shaqada Frankfurt am Main

Waxaan latalinaa dadka talada u baahan ee degen Frankfurt

Maxaan idiin qabanaynaa
  • waxaan latalinaa dadka soo qaxay iyo kuwa duldunka haysta labadaba
  • Suuqa shaqada iyo barashada xirfadaha lagu shaqaysto
  • Inaan ku kaalmayno samayta (filka) codsiga shaqada ama cusboo-naysiintiisa markasta.
  • inaan kaalmayno dadka raadinaya shaqada lagu tababarto

Shaqadanada qiimaheedu wuxuu ku salaysan yahay talo bixinta ku salaysan kala duwanaanta baahida shaqo ee Raga iyo Dumarka. Inaan Raga iyo Dumarka shaqada raadinaya ula dhaqano si aad u kala soocan, oo ku salaysan baahida iyo abuurka kala duwan ee labada jinsi. Sidaa darteed baan aad u qadarinaynaa dhaqan-kaaga iyo fikirkaaga labadaba.

Yaa nahay anagu

Ururka Berami in kabadan 25 sano ayuu siinayay dadka u soo qaxay ama usoo haajiray Jarmal waxbarasho iyo talo bixin. Frankfurt iyo nawaaxigeeda waxaan u leenahay khibrad iyo aqoon dheeraad arimaha la xariira dadka soo qaxay baahidooda iyo dhibka ay dareemayaan.

Waxaan si xeel dheer shaqada ula wadaagnaa:

  • Hayada shaqada iyo Jobcenter
  • Xafiisyada lataliya qaaxootiga oo dhan
  • Iskuulaha luqada iyo kuwa shaqada labadaba oo faro badan sida VHS iwm.
  • Hayadaha dhaqamada umadaha
  • Suuqa shaqada ee magalada Frankfurt
  • Hayada FRAB xafiiska shaqada hormarinta Frankfurt
  • Hayada dhalinta iyo xafiiska Sooshaalka






Hessenkarte




	
	Frank-
	furt

Qofka lala xariiri

Christoph Joschko

Nibelungenplatz 3 | 60318 Frankfurt

069 91301017

joschko@berami.de

Saacadaha shaqada:

Fadlan balanta waxaad ku samaystaa Tel. ama E mail