hfr somali
Jamciyada latalinta qaaxootiga (hfr)
Dadka aan u shaqayno
Dadka ku xiran Jobcenter ama hayada shaqada, ama la shaqeeya dadka qaaxootiga tageera gobalka Hessen oo dhan. Siaad wax badan uga ogaato fiiri Schulungen
Waxaan kaalmaynaa dhamaan dadka soo qaxay ee kunool Hessen oo dhan, ee magaladooda ayna xafiis ku lahayn hayada Blein in.
Maxaan idiin qabanaynaa
- Talo bixinta codsiga qaaxootiga
Jamciyada hfr waxay matalaysaa shaqaalaha Blein in dhinacyada xuquuqda, dhinaca codsiga qaaxootiga, dhinaca shaqada iyo waxbarashada inuu kala taliyo. Dadka dhawaan qaxootinimada codsaday ama kuwa la siiyay xaqa degenaanta, ama kuwa Duldunka haysta. Waxay dadku taloo-yinkanaga ku gaari karaan inay helaan shaqo iyo xirfado ay ku garaan mustaqbal fiican. Anaguna waxaan u raadinaynaa goobihii ay ka heli lahayeen shaqooyin ku haboon, oo ay ku degaan.
- Inaan dadka gayno korsaha luqada ee ay dowladu bixiso ESF- BAMF
Dadka codsigii magan-galyada hada dhiibtay ee cusub, xaalado gaar ah ayaa loo ogolaan karaa inay Korsaha luqada ee ESF- BAMF dhigtaan.
a) hadii ay helaan jid ay shaqo ku aadi karaan (shaqo loo balan qaaday) ugu yaraana wadanka 3 bilood joogay.
b) inay aqoon hore usii lahayeen luqada jarmalka (ugu yaraan A1).
- Waxbarashada ay bixiso hayada shaqada ama Jobcenter iyo kuwa shaqo abuurka ee kale.
Jamciyada hfr waxay dadka u horseedaa xuquuqda dadka ajaanibta ah, is dhexgalka suuqa shaqada ee dadka soo qaxay iyo inaan gaarsiino dadka fursadaha ay bixiyaan Hayada shaqada, Jobcenter iwm.
Intaa kabadana waxaan bixinaa fursado Kulamo, Muxadarad, abaabulo sii hormarin waxbarasho oo loo samaynayo dadka u taagan kalmaynta dadka soo qaxay.Hada waxaa cusub talo bixin iyo xal u raadin ama daaweyn dadka soo wareeray, ee dhinaca fikirka ka dhiban si suuqa shaqada loo garsiin karo.
Yaa nahay anagu
Saldhiganaga weyn ee ku yaala Frankfurt iyo anagoo dhan waxaan u taaganahay citiraafka, tageerada iyo wanaajinta nolosha dadka soo qaxay.
Jamciyada hfr waxay la shaqaysaa dadka sida daacada ah ugu adeega qaaxootiga iyo dhamaan laamaha dowlada ee ku shaqa leh dadka soo qaxay sida Xafiiska ajaanibta, hayada shaqada, Jobcenter, si qof kasta xaaladiisa xal ku haboon loogu raadiyo/loogu helo.
Daladanada waxaa la aasasay sanadkii 1991, waxayna isku xirtaa shaqada siyaasiyinta qaata go´aamada iyo hayadaha ama dadka afraada ah ee daneeya adeega dadka soo qaxay iyo is dhexgalka bulshada.
Qofka lala xariiri
Hessischer Flüchtlingsrat
Leipziger Str. 17 | 60487 Frankfurt am Main
Jana Borusko
069 97698709
Anna Hartnagel
069 97698710
Saacdaha aan shaqayno:
Waxaa lagu wada hadli tele. kadibna balan baa laqabsan