IB Hanau somali

Ururka Caalamiga Bund (IB), Hanau

Xafiiska talo bixinta dadka soo qaxay ee Bleib in ee magalada Hanau iyo xaafada main- Kinzig

Maxaan idiin qabanaynaa

Talo bixin khaas ah oo dhamaystiran inta uu socdo codsiga qaaxootiga iyo dadka Duldunka haysta labadaba.

  • Karti iyo khibrad dhamaystiran
  • Inaan kugu kaalmayno talo bixinta sidii shahadooyin-kaaga oo dhan laguugu citiraafi lahaa kuwa sare kuwa kale intaba.
  • Inaan kuu raadino Korsaha luqada, hadii ay dowladu kaa bixin iyo hadii kale intaba.
  • Inaan kuu raadino korsaha is dhexgalka bulshada ee dowladu bixiso iyo hadii aad rabto inaad wax-barasho sii wadatid.
  • Inaan kugu kaalmayno samayta filka codsiga shaqada ama cusboo-naysiintiisa markasta.
  • Inaan kugu kaalmayno markaad shaqada raadinayso
  • Kula xariirino hayadaha shaqada bixiya
  • Kula talino hadaad u baahan tahay barasho aqoon ama xirfad cusub
  • Ku garab istaagno markaad raadinayso tababar shaqo
  • Kugu kaalmayno buuxinta formamka iyo codsiyada xafiisyada dowlada
  • Talo bixinta danbe markaad shaqada bilowday kadib
Yaa nahay anagu

Xafiiskanaga Frankfurt am Main wuxuu soo bilaabay shaqada kalatalinta dadka soo qaxay dhinacyada; dhalint, waxbarashada iwm sanadkii 1949. Sanad kastana in kabadan 300,000 oo dhalin iyo dad waaweyn isugu jira ayuu IB u diraa barashada aqoonta iyo xirfadaha nooyadooda.

Waxaan si fiican shaqada ula wadaagnaa

  • Hayada shaqada, Jobcenter, xafiiska ajaanibta iyo sooshaalka
  • Shirkadaha shaqada bixiya
  • Xafiisyada lataliya qaaxootiga, jamciyadaha kaalmeeya qaaxootiga iwm
  • Iskuulaha laga barto luqada, kuwa shaqada iyo kuwa farsamada sida VHS iwm
  • Iskuulada shaqada iyo goobaha xirfadaha aad danayn karto.






Hessenkarte




	
	Main-
	Kinzig-
	Kreis

Qofka lala xariiri

IB – Internationaler Bund

Bildungszentrum Hanau

Marktstr. 3 | 63450 Hanau

06181 9230813

Steffen Wenzel

steffen.wenzel@ib.de

Saacadaha shaqada:

Talado, sacada 10:00 ila 15:00

Iyo markasta oo la balamo

Qolka 3.1