MBV Kassel somali
Bartamaha Hessen Hayada waxbarashada e. V
Xafiika Kassel
Jamciyada Bleib in waxay dadka talada raadinaya ee magalada Kassel u diyaarisay Xafiis talo bixin
Maxaan idiin qabanaynaa
Xafiiskanagu wuxuu diyaar idiinla yahay; talo bixin iyo kaalmo markaad tahay qaaxooti cusub iyo marka lagu aqoonsado kadib labadaba. Xataa qofka haysta Duldunga waxaan tusaalay-naynaa siduu suuqa shaqada u gali lahaa. Waxaan dadka kula talinaa/ kula hadalaa luqadaha; Englishka, Faransiiska, Turkiga iyo Carabiga.
- Talo bixinta waxbarashada, sii wadida waxbarashada xirfadaha cusub
- Qofka qaaxooti-nimadiisii la aqoon saday inaan u raacno una tababaro siduu suuqa shaqada ula qabsan lahaa.
- Inaan u raadino korsaha barashada luqada, dadka xaqa u leh inay dowladu ka bixiso iyo kuwa aan xaqa u lahayn labadaba.
- Helitaanka korsaha u diyaarinta shaqada ee ay bixiso ESF- BAMF
- In lagu kaalmeeyo dhamaystirka raadinta warqadii shaqada iyo hadii aad degenaanta dhib ku qabto.
- Inaan ku kaalmayno samayta filka codsiga shaqada ama cusboo-naysiintiisa markasta.
- Inaan ku kaalmayno sidaad u heli lahayd goobaha shaqada ku meelgaarka ah (Praktikum)
Qorshaha mashruucu guud ee (Praxis GmbH bleib in) MBV ee magalada Kassel wuxuu ku xiran yahay la shaqayn toos ah oon lashaqayno laamaha dowlada sida:
- Hayad shaqada iyo Jobcenter
- Xafiisyada lataliya qaaxootiga
- Iskuulaha laga barto luqada, kuwa shaqada iyo kuwa farsamada oo faro badan
- Ururada is dhexgalka bulshada iyo shaqo abuurka ee magalada Kassel iyo xafiiska mustaqbalka
- Jamciyada shaqada iyo luqad barida, iyo tan waxbarashada xorta ah (MSF) iyo xarunta dhaqanka ee (Schlachthof).
Yaa nahay anagu
Xarunta bartamaha Hessen ee wax-barashada (MBV) ee saldhigeedu yahay magalada Marburg waxay bixisaa waxbarasho, waxayna abuurtaa xirfado iyo meherado laga soo bilaabo sanadkii 2000. Jamciyadu waxay xiriirisaa jamciyadaha lafaca ah ee ku yaala gobalka Hessen oo dhan ee Bleib in. Waxayna xubin joogta ah ka tahay hayadaha wax-barashada iyo shaqo abuurka ee magalada Kassel iyo nawaaxigeeda.
Qofka lala xariiri
BLEIB in Hessen II
Mittelhessischer Bildungsverband e.V.
Akazienweg 20 | 34117 Kassel
0561 31750964
Neriman Ün-Fahsi
Omar Dergui
Saacadaha shaqada:
Arbicada sacada 13:00 ilaa 17:00
Iyo sacad kasta oo la balamo