Praxis GmbH somali
Praxis GmbH, Marburg
Jamciyada Bleib in ee tala bixinta dadka talada raadinaya ee magaalada Marburg iyo degmada Biedenkopf.
Maxaan idiin qabanaynaa
Waxaan ku kaalmaynaynaa dadka qaaxootiga ah:
- Shaqo raadinta
- Planka farsamo barashada
- U taba barashada shaqada
- Siduu u samaysan lahaa failka shaqo raadinta
- Cadaynta noocyada sharciga/ aqoonsiga
- Dhamaystirka danaha dowlada la xariira
- Helitaanka Korsaha luqada
Gaar ahaan waxaan lahadalaa ama latalinaa dhalinta kujiraan xaalada kala guurka, kabaxday iskuulada una socota barashada xirfadaha kala duduwan.
Qorshaha mashruucu guud ee (Praxis GmbH bleib in Hessen) wuxuu ku xiran yahay la shaqayn toos ah ee laamaha dowlada ee kala duduwan oo dhinacyo badan leh.
Waxaana wada shaqaynaa oo gobalkan ku yaala
- Jobcenter, hayada shaqada (Arbeitsamt) xafiiska ajaanibta iyo xafiiska golaha ajaanibta (Ausländerbeirat).
- Xafiisyada lataliya dadka soo qaxay
- Iskuulaha luqada iyo kuwa shaqada labadaba oo faro badan
- Shirkadaha shaqooyinka
Yaa nahay anagu
Der Praxis GmbH bleib in Hessen waa hayad qabata shaqo guud, kana shaqaysa wax barida iyo shaqo la raadinta dadka. Waxay u shaqaysaa una taba bartaa una raadisaa shaqo dadka shaqo la´aanta ah ee degen magalada Marburg iyo degmada Biedenkopf, laga soo bilaabo sanadkii 1985.
Der Praxis GmbH bleib in wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa shirkadaha shaqada. Waxaan mashaariic kala duduwan ugu kaalmaynaa dadka shaqo la áanta ahaa, sidey dib ugu heli lahaayeen ulana qabsan lahaayeen suuqa shaqooyinka.
Hadaf-kanaguu waa inaan isku xiro, shaqo, wax barasho magalada Marburg iyo Stadtallendorf.
Qofka lala xariiri:
BLEIB in Hessen II
Praxis GmbH
Gisselberger Str. 33 | 35037 Marburg
06421 87333383
Christoph Rettler
Ammar Aljammaz
Alexandra Weber-Mora
Waqtiga shaqada:
Isniin ila Jimce
8:30 ila iyo 15:30