startHAUS somali
startHAUS gGmbH, Offenbach
Xafiiska talo bixinta ee Bleib in, wuxuu caawiyaa dadka talada raadinaya ee magalada Offenbach am Main iyo degaanka ku hareeraysan.
Maxaan idiin qabanaynaa
Waxaan latalinaa oon caawinaa dadka soo qaxay ee raba inay suuqa shaqada galaan boos ka helaan. Waxaan u raadinaa korsaha laga barto luqada, waxaan baraa sida loo qoro codsiga shaqada iyo korsooyinka dhexgalka bulshada. Sidoo kale waxaan kala talinaa xirfadaha ugu haboon ee uu qofku ka shaqayn karo. Hadii loo baahdo waxaan u raacnaa qofka laamaha dowlada, waxaan la buuxinaa Formamka iyo codsiyada oo dhan.
Waxaan tusalaynaa laamaha dowlada kuwa quseeya ee larabo inay la xariiraan, siyaabaha ugu haboon ee lagu aqbalo codsiga qaaxootiga. Waxaan laxariirinaa qofka laamaha dowlada ee dantiisu ku xiran tahay siuu u helo tababar shaqo, xirfado waxbarsho iyo shaqo ku haboon. Waxaan si wacan ula shaqaynaa hayadaha waxbarashada, kuwa suuqa shaqada ee daneeya shaqa gelinta dadka soo qaxay, waxaana hadaf noo ah inaan ku guulaysano wada shaqaynta.
Waxaan si sax ah shaqada u wadaagnaa:
- Hayada shaqada, Jobcenter, xafiiska ajaanibta iyo sooshaalka
- Xafiisyada lataliya qaaxootiga, jamciyadaha kaalmeeya qaaxootiga iwm
- Hayadaha kalataliya dadka cusub aqbalka codsiga qaxotinimo
- Suuqa shaqada iyo IHK ee barashada farsamada gacanta
- Hayadaha sida xorta ah u caawiya dadka soo qaxay
Yaa nahay anagu
Jamciyada startHaus GmbH waxaa la aasasay sanadkii 2006, siay u noqoto ruk waxbarasho. Kooxda noo shaqaysaa waa isku dhaf oo kukala duduwan da´da, jinsiga iyo wadamaha ay kasoo jeedan intaba. Waxaan ku dadaalaa dhamaan qaybaha aqoon korodhsi ee bulshada sii dhisaya/ sii hormarinaya.
Qofka lala xariiri
BLEIB in Hessen II
Pirazzistr. 15 | 63067 Offenbach
069 / 82 37 86 229
Erdem Özbek
Saacadaha shaqada:
Isniin iyo Talado sacada 09:00 ilaa 12:00
Khamiista iyo Jimcana sacada 09:00 ilaa 12:00