start3
start3
slider7
slider7
slider8
slider8
previous arrowprevious arrow
next arrownext arrow

Welcome somali

Waxaad raadinaysaa wadadii aad ku aadi lahayd suuqa shaqada

  • Waxaad tahay qof soo qaxay, oo ku nool gobalka Hessen?
  • Waxaad rabtaa inaad shaqo hesho, siaad biilkaaga adu usoo dhacsato.
  • Waxaad rabtaa inaad wax ka ogooto suaalo ku saabsan sharciga ama warqada shaqada?

Qofkii jarmal yimaada isagoo soo qaxay, rabana inuu jarmak kusii noolaado, waxaa horyaala waajibaad badan; siduu ula qabsan lahaa dhaqanka iyo nolosha cusub, inuu luqada barto, codsigii qaaxotinimada inuu daba socdo, visada ama sharciga lasiinayo inuu sugo/ ogaado. Kadibna dadaal badan ku bixiyo siduu suuqa shaqada ugali lahaa, waraaqo iyo shahaadooyin badan diyaarsado. Anagu waxaan rabnaa inaan dariiqaa dheer meelaha ugu muhimsan ku garab istaagno/ ku caawino talaabo talaabo kuula socono. Ee fadlan Kafaaiidayso fursadaha aan kuusoo bandhigayno.

Kooxda lataliya-yaasha ee ururka Bleib in Hessen, waxay kuula talinayaan si lacag la´aan, kalsooni buuxdana ku jirto.

  • Qofka sida gaarka kuula talinayaa diyaar buu kuu yahay, wuxuuna kula yeelanayaa wada hadalo xeel dheer, wada shaqayn toos ah, si baahidaada loo daboolo, fursadaha jirana sida ugu fiicana uga faaiidaysan karto. Waxaana aad loo qadarinayaa noloshaada iyo kartidaada gaarka ah.
  • Waxaan ku caawinaynaa codsigaaga qaaxotinimo intuuna bilaabanin iyo inta uu socdo labadaba.
  • Hadii aan si sax ah u wada shaqayno, waxaa dhici karta in Ururka (IQ) uu citiraafo shahaadooyinkii aad dibada kala timid waqti gaaban kugu siiyo.
  • Waxaan ku siinaynaa warbixin tafatiran oo ku saabsan fursadaha shaqada ee aad heli karto iyo inaad waxbarashao sii wadan karto fursada aad u leedahay.
  • Waxaan ku siinaynaa seminaaro iyo korsooyin aad ku barato habka shaqada loo codsado/ tabbarka diyaar garowga shaqada.
  • Waxaan kuu qaadaynaa goobaha ugu muhimsan ee shaqada, si aan kuugu helo meelo ay suura gal tahay inaad shaqo ka hesho.
  • Hadii loo baahdo waxaan kuu raaci karaa goobta shaqada maalinta wada hadalka shaqada/ isbarashada.

Waxaa muhiim noo ah, inaan kuu hello, shaqo joogta ah iyo guul fiican.

Shaqada ama wax-barashada aad heli karto, waxay ku xiran tahay aqoonsiga ay kusiiso dowlada jarmal. Tababar shaqo ama sii wadasho wax-barasho midkay dooni hanoqotee, waxaa markasta loo baahan yahay barashada luqada. Waxaana jira goobo wax-barasho oo fara badan kuwa luqada ama xirfado laga barto, kuwaas ayaana dadka u dhaweeya suuqa shaqada.

Waxaan kuu raadinaynaa:

Xafiiska Blein in

Siaad u hesho Xafiiska Bleib in, fadlan dooro degmada aad degen tahay ee Hessen magaceeda: