ZAUG somali

ZAUG gGmbH

Xarunta shaqada iyo cimilada – ee taba barka shaqo raadinta/ helida

Bleib in waxay bixisaa talo bixin magalada Gießen

Maxaan idiin qabanaynaa hadaan nahay qorshaha Bleib in Hessen?

Talo bixin khaas ah oo dhamaystiran oo ku aadan dadka soo qaxay iyo kuwa Duldunka haysta labadaba. Gaar ahaan waxaan u suura galinaynaa dhalinta da´doodu u dhaxayso 16 ilaa 35 inay furso u helaan khibrado shaqo iyo tababaro fiican.

  • Tababar shaqo oo soconaya 4 ilaa 6 bilood oo lagu samaynayo Jamciyada Zeug gurigeeda farsamada.
  • Guriganaga farsamada iyo wax-barashadu wuxuu bixiyaa shaqo buuxda oo 5 malmood lashaqeeyo, lagana shaqeeyo xirfadaha gacanta laga qabto sida; korantada, rinjiyaynta guryaha ama baabuurta iyo daryeelka dhaqaale ee guryaha.
  • Inta xirfadahaa labaranayana, waxaa halmaalin labartaa luqada jarmalka ee qusaysa xirfada uu qofku baranayo.
Yaa nahay anagu

Anagoo ah hayad dadka u taba-barta xirfadaha kala duduwan, waxaan siinaa dadka ku daahay shaqo la´aanta furso ay dib ugu laabtaan shaqooyin, anagoo adeeg-sanayna guriganaga farsamada iyo waxbarashada. Waxaana dhinaca ku haynaa si xoogana ula shaqaynaa laamaha dowlada oo faro badan.

Waxaan si xeel dheer ula shaqaynaa:

  • Hayada shaqada, Jobcenter iyo xafiiska ajaanibta
  • Xafiisyada lataliya qaaxootiga oo dhan
  • Iskuulaha luqada iyo kuwa shaqada labadaba oo faro badan sida VHS iwm.

Magaca Zeug gGmbH wuxuu u yaalaa gobalka Gießen jamciyad la citiraafsan yahay oo u taagan; taba-barka, wax-barashada iyo hor umarinta xirfadaha, waxaana wax ku barta dad gaaraya 1400 oo qof sanad kasta. Zeug gGmbH wuxuu ka shaqeeyaa dhamaan daafaha degmada Gießen iyo nawaaxigeeda, sidoo kale Jaamicada Gießen.







Hessenkarte





	Gießen

Qofka lala xariiri

BLEIB in Hessen II

Walid Sulymankhail

Am Urnenfeld 33 | 35396 Gießen

0641 797966-19

bleib@zaug.de

Saacadaha shaqada:

Fadlan balanta waxaad ku samaystaa Tel. ama E mail